Madaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada Hirshabelle ku matala Dowladda Soomaaliya-(Sawirro)

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Dr; Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka hoose iyo sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda dhexe.

Madaxweynaha iyo Xildhibaannada  ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida  ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hirshabeelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in Xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda Dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulka haatan jira.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan.

Sidoo kale qaar ka mid Xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale uu kulamo kula qaatay qaar ka mid diblomaasiyiinta beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin horumarinta Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...