Taba-barrkan ayaa waxaa oo lagu baranayaa horumarinta Nabadda iyo Cadaaladda ayaa axaa loo qabtay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska, Haweenka, Dhalinyaradda, Odayaasha, iyo Culumadda degmada Kaaraan.
Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banadir Mudane Maxammed Cabdullaahi Maxammed (Tuulax) ayaa sheegay in dadka tabarka loo sameeynayo eey qaadan doonaan Casharo iyo Wacyigelin ku saabsan horumarinta, Iskaashiga Nabadda iyo Cadaaladda Caasimadda.
Guddoomiye tuulax ayaa sheegay in Tabarkan la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana u jeedada uu ku sheegay in eey tahay sidii umadda oo dhan loo siin lahaa wacyi gelin ku filan gaar ahaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.