Garsoore Soomaali ah oo loo doortay guddoomiyaha Maxkamadda adduunka ee Hague

Date:

Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa maanta u dooratay inuu noqday Madaxweynaha Maxkamadaas Garsoore Cabdiqawi Axmed Yusuf oo ah muwaadin Soomaali ah

Garsoore Cabdiqawi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta loo doortay in saddexda sano ee soo  socota uu noqddo guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Haig.

Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009-kii.

Garsoore Cabdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...