Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay xarunta degmada Wadajir oo muddo burbur-saneyd+Sawirro

Date:

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Wadajir oo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Juun ee sanadkii hore. Waxana munaasabaddda dhagax-dhigga ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada aqal, maamulka degmada, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan (Qaanso) oo ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii degmada ka dhacday bishii Juun ee 2017, taasi oo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka. Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Wadajir.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow iyo Sen Samsam Daahir Maxamuud ayaa uga mahadceliyey shacabka degmada Wadajir in ay u istaageen dhismaha xarunta degmadooda, taas oo kaalin mugleh ka qaadan doonta isku xirka dawladda iyo shacabka. Iyagoo balan-qaaday in maamulka ay kala shaqeyn doonaan wax walba oo horseedi kara horumarka degmada.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntan oo fal argagixiso ku burburtay. waxuuna sheegey in maamulka gobolka Benaadir uu awooddiisa galinayo in Wadajir ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan.

“Xarunta degmada Wadajir ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankiina, waa inaan meel iska taagnaa wax walba oo dib-u-dhac keeni kara, maamulka gobolka Benaadir wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmada Wadajir”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Eng. Yariisow ayaa ka codsaday bulshada degmada Wadajir in lala shaqeeyo maamulka degmada iyo kan gobolka Benaadir islamarkaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...