Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatey Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Awad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo booqasho maamuuseed ugu yimid, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya. Waxaa kale oo ay gudagaleen ka sheekeysiga arrimaha ka taaggan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen dadaalkooda ay ku bixinayaan horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amb. Ali Mohamed Ali, Agaasimaha guud ee habmaamuuska Adv. Hersi Haji Olosow iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Adam Dagaal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...