Madaxweyna Farmaajo oo Addis Ababa kaga qeyb-galayo Shir madaxeedka Midowga Afrika.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...