Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatey jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Turkiga

Date:

Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga  Waxaa kulan ku yeeshay Godoomiya Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga.

kulankan ay wada yesheen jaaliyadda soomaaliyeed ee Turkiga iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa Howlaha balaaran ay jaaliyada Soomaaliyeed u hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Turkiga .

Mudane Maxamed Shiiq Cusmaan (jawaari) ayaa Jaaliyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen dhawacyadii Qaraxii 14-ka Oktoober iyo sidii ay dhaqaalaha isaga soo aruuriyeen si ay u dhamaystiraan baahiyaha Dadkii isbitaalada ku jiray,isagoo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Turkiga ku booriyay in ay wanaagana kaga daydaan shacabka Turkiga.

Guddoomiayaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aad ugu amaanay Dawladda iyo shacabka Turkiga sida ay had iyo jeer u garab istaaganyihiin  Dawlada soomaaliya iyo Shacabkeeda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa u ugu mahadceliyay gudoomiyaha Golaha shacabka fursada uu siiyay, iyagoo u balan qaaday in ay ka shaqayn donaan wada-jirka Soomaalida ku dhaqan dalka Turkiga .

Gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee Turkiga Shiiq maxamed ayaa gudoonsiiyay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari shahaado sharaf, taasoo ka turjumaysa shaqada adag ee uu bulshada u hayo iyo marxaladii adkeyd ee uu gudomiyaha ku shaqaynayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...