Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqey in Cadaado ay tahay Xarunta Barlamaanka Galmudug

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kula kulmay Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado, isagoona kala hadlay Tabashooyin ay qabeen.

Madaxweyne Farmaajo oo dhageystay Warbixinta Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa u sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qanciso cid kasta oo tabasho qabta, wuxuuna ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Odayaasha iyo Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Soo jeedintiisa, waxayna kaga mahad celiyeen sida Madaxweynaha uu diyaar ugu yahay qancinta dadka tabashooyinka qaba.

Dhinaca kale Madaxweyne ayaa dhagax dhigay Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado oo dib u dhis lagu sameynayo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Masuuliyiin oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabada dhagax dhiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...