Wasaaradaha cadaaladda Dowlada Gobolleedyada oo kulan la qaatey Wasaarada Cadaaladda XFS

Date:

Kulankaan oo ahaa mid wadatashiga ah waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo mudadii uu socday lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen gudiga farsamada oo ku sabsaneyd Awoodaha  hay,addaha Cadaalada iyo sharuucda kala hageeysa Garsoorka iyo Maxakamada dalka.

waxaana looga hadlayay qaybyo qoraalka Awoodaha hay,addaha Cadaalada, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha maxkamad sare ee dalka Ibraahiim Iidle Sulebaan, Wasiir ku xigeenka Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiirada Cadaalada Dawlad gobleedyada.

“waxaan magacaawnay guddi farsamo oo ka shaqeeyo sida ay noqoneyso qaabka cadaalada dalka, waxa ayna soo saareen qabyo qoraal kaas oo aan  kuwada shaqeyneynay waxaana ka dhashay is faham guud” sidaa waxaa yiri Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

sidoo kale kulanka ayaa ka soo qeyb galeen Wasiirada Cadaalada ee Dawlad goboleedyada Jubbland, Hirshabeelle, Galmudug ,Koofur Galbeed, Puntland, iyo wakiilo ka kala socday Asluubta, Maxakamadaha iyo Cadaalada, ayaa waxaa la isku afgartay in la dardargaliyo talooyinka wax ku oolka ah ee logu hagaajinayo Cadaalada.

Wasiirka Cadaalada ayaa wada dadaalo lagu hormarinaayo cadaalada iyo garsoorka dalka wasiiirka ayaa sidoo kale sheegey in kulan loga hadlaayo arimaha cadalada lagu qaban doonaa magaalada jowhar ee xaruunta gobolka shabelaha dhaxe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...