Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya oo U ambabaxey Degmada Hobyo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo madaxweynaha lagu wado inuu ka dhagax dhigo Dekadda Hobyo oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Dowladda Federaalka Soomalaiya iyo Maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu howl gelin lahaa Dekadda Hobyo oo u baahan dayactir xoogan si shacabka degmadaasi uga faa’ideystaan.

Wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxaya degmada Cabudwaaq oo ay shalay kaga qeyb galeen furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq,isagoona bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hobyo ka dib la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...