Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya oo U ambabaxey Degmada Hobyo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo madaxweynaha lagu wado inuu ka dhagax dhigo Dekadda Hobyo oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Dowladda Federaalka Soomalaiya iyo Maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu howl gelin lahaa Dekadda Hobyo oo u baahan dayactir xoogan si shacabka degmadaasi uga faa’ideystaan.

Wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxaya degmada Cabudwaaq oo ay shalay kaga qeyb galeen furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq,isagoona bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa  ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Hobyo ka dib la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii KMG ee maamulka Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...