wasaarada dastuurka oo kulamo wadatashi ah la qaadatey ururada soomaliyeed

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo Ururada Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa dhalinyarada ku soo dhaweeyay kulanka isaga oo sheegay in dhalinyarada ay Wasaaradda muhiimad gaar ah siineyso.

Sidoo kale Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in kulanka uu noqon doono mid bilow u noqda kulmo dhawr ah oo dhalinyarada ay Wasaaradda la yeelan doonto.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhalinyarada la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay mar walba ka go’antahay taageeridda dhalinyarada.

“Dhalinyarada waxa ay kaalin wayn uga jiraan hawlaha Arrimaha Dastuurka, Wasiirada Dawlad Goboleedyada ee aan shaqo wadaaganahay qaarkood waa dhalinyaro; sidaa awgeed waxaa naga go’an in aan dhalinyarada la sameyno wadatashiyo badan si ra’yigooda loo dhageysto” ayuu yiri Wasiirka Cadallada.

Ugu dambayn, dhalinyaradii kulanka ka soo qaybgashay ayaa talooyinkooda dhiibatay iyaga oo xoogga saaray in dhalinyarada kaalintooda la muujiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...