wafdigaani oo uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed , Wasiirka Ganacsiga Iyo warshadaha wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, agaasimeyaal ka socda wasaradaha dowladda ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda Turkiga ee Ankara.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada la socda ayaa la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, waxaa laga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Soomaaliya iyo in la tababarro shaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Shirka Horumarinta Ganacsiga ee Ankara ka furmaya ayaa socon doona muddo hal maalin ah, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii maalgashi loogu sameysan lahaa waddamada soo koraya, sida Soomaaliya oo kale.