munaasabadda xiritaanka aqalka sare oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Munaasabad lagu soo xerayay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa Munaasabada kasoo jeediyay Warbixin uu kaga hadlayo waxybaabihii u qabsoomay Kalfadhigii Labaad isagoona sheegay in ay qabteen howlo aad iyo aad u fara-badan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada kor-joogteynta, xeer-dejinta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba horkeenayey fadhiga guud ee golaha si go’aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraan-dagay iyada oo lagu sad goynayey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meel-mariyay halka kuwa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Aqalka sare, isagoo bogaadiyay howlihii ay qabteen Kalfadhigii Labaad.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhankiisa amaanay guulihii aqalka sare uu gaaray Kalfadhigii labaad, isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay howlaha adag ee qabsoomay.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u hambalyeeyay Aqalka sare, isagoona sheegay in Labada Gole ay guud ahaan usoo xirmeen Kalfadhiyadooda Labaad.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa u mahad celiyay dhamaan Masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeyb gashay Munaasabada lagu xirayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka sare, wuxuuna sheegay in golaha uu qabtay hawshii loo igmaday, si fiicana uu u gutay Waajibaadkii looga baahnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...