Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Booqanaya Goobo Kala Duwan ee Garowe

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in maanta uu kormeer ku sameeyeyo xarumo kala duwan oo kuyaala magaaladaasi Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Xarumaha la guwado in maanta uu booqdo Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah Isbitaalka Guud ee magaaladaasi,isagoo u kuurgalaya xaaladda Bukaanada kujira Isbitalka iyo adeegyada caafimaad ay helayaan,sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageysan doonaan maamulka iyo howlwadeenada Isbitalkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wada in uu taga xarunta shirkadda Koronta ee magaalada Garoowe oo ah shirkad weyn oo hawada ka dhalisay Korontada,taasi oo ah shirkadii ugu horeysay oo Soomaaliya laga hirgeliyo,wuxuuna u kuur-galayaa adeegyada ay ka helaan bulshada iyo sida ay u shaqeynayso.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhagax dhigi doona xarumo kala duwan oo isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed,kuwaasi oo laga dhisayto magaaladaasi Garoowe.

Ugu dambeyntiina waxaa lafilayaa in uu la kulmo ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Garoowe,isagoo maamulada iyo ardayda ka dhageysan doona warbixin ku aadan adeegyada waxbarasho iyo baahiyaha ay qabaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu booqdo magaalooyin kale,wuxuu shalay la kulmay waxgaradka ku dhaqan magaalada Garoowe oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...