Dowladda Kenya oo adkeyneysa ammaanka Gobolka Waqooyi bari.

Date:

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada amaanka Waqooyi bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo deegaankaasi.

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi bari,sidaasi daraateedna Ciidamo badan aan ku geynay deegaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah amaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Daniel Bundotich.

Dagaalyahano looga shakisan yahay Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa talaadadii la soo dhaafay dilay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin,kuwaasoo u dhameystiran Qalabkooda Ciidan.

Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga taqalusi lahayd Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya,waxaana Ciidamada Difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...