Dowladda Kenya oo adkeyneysa ammaanka Gobolka Waqooyi bari.

Date:

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada amaanka Waqooyi bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo deegaankaasi.

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi bari,sidaasi daraateedna Ciidamo badan aan ku geynay deegaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah amaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Daniel Bundotich.

Dagaalyahano looga shakisan yahay Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa talaadadii la soo dhaafay dilay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin,kuwaasoo u dhameystiran Qalabkooda Ciidan.

Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga taqalusi lahayd Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya,waxaana Ciidamada Difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...