Wafdigii Dowladda Soomaaliya ay dirtay oo guda galay xal ka gaarista xaaladda Baladxaawo+Sawirro

Date:

Waxaa magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ka dhacay kulamo looga hadlayo xal u helida  xisadaha ka taagan degmadaasi,kadib markii Dowladda Kenya ay bilowday in derbi ay halkaasi ka dhisto,taasi oo keentay kacdoon ay sameeyaan dadka deegaanka ah.

Waxaa ka qeybgalaya kulamadaasi xaqiiqo raadinta ah  wafdi isugu jira Wasiirka Arrimaha gudaah XFS ,xildhibaano,Madaxda Dowlada Goboleedka Jubbaland,gudiga xuduudaha iyo guddiga Difaaca iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka socdaalkooda ee Gobolka Gedo.

“Waxaan meeshaan ku tagnay wafdi isugu jira Wasiiro,xildhibaano iyo Madaxda Jubbaland,ujeeda socdaalkayna wuxuu yahay sidii aan ugu kuurgali lahayn, xaaladaha ka taagan magaalada Baladxaawo,waxaan marka hore ka degnay Doolow si fiican ayaa nalaku soo dhaweeyey,hadana waxaan joognaa Baladxaawo,waxaan tagnay meesha derbiga laga dhisayo,arin kale ma ahan waa inta u dhexeysa labada magaalo,si farsamo ah ayaa lo galayaa xaqiiqda ayaa la ogaanayaa,waxaana jira guddi farsamo”, ayuu yiri Wasiir (Juxa)

Waxaa uu sheegay Wasiirka in rajo wanaagsan ay ka qabaan in arrintaasi xal laga gaaro,isagoo xusay in shacabkuna ay ku qanceen dadaalka xaqiiqo raadinta ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan degmada Baladxaawo waxaa ka dhacay banan baxyo rabshado watay,kuwaasi oo looga soo horjeedo derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso inta u dhexeysa halkaasi,taasi oo soo dedejisay qeylo dhaanta shacabka iyo jawaabta ka soo baxday Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...