Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay Weerarkii Hoyga Senator C/Qeybdiid iyo darbiga Kenya dhiseyso+Sawirro

Date:

kulanka Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka uu maanta ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay ,waxaana Gudiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee arintaasi.

Sidoo kale Guddiga ayaa inta kulankiisa uu socday cambaareeyay weerarkii 30-kii bishan lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” oo ah mudane ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka.

Xoghaya Guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in Guddiga Difaaca uu si aad ah uga dooday weerarkii shalay lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo walaaca ka taagan darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Beledxaawo iyo Kenya.

Gaba gabadii Guddiga ayaa Magacaabay 5-Xubnood oo ay iska soo xuleen kuwaasi oo baaritaano ku sameynaya sababta ka dambeysay weerarka Hoyga Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo cida weerartay intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...