Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta (Sawirro)

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta Saxiixay heshiis lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun ($2.7m) oo Doolaarka Maraykanka ah, taasoo wax looga qabanayo Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta Gobolada Dalka Soomaaliya.

Heshiiskani Dhaqaalaha xambaarsan waxaa bixinaya Hay’adda NRC oo kaashanaya Bangiga Aduunka, lacagtaasi ayaa waxaa looga gol leeyahay in wax looga qabto abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya iyo waliba Biyo la’aanta, waxaana ka faaideysan doona marka la hirgaliyo Bulsho badan oo u baahan kaalmadaasi.

Saxiixa Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Hey,adda N R C  ayaa ku saleyysan Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata Aduunka I M F-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay.

Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle waxaa uu faah faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto,wuxuuna si gaar ah u tilmamaay in Deegaanada Maamul-goboleedyada dalka ka jira wax loogu qaban doono,maadaama ay ka jiraan baahiyo badan.

Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

27 sano waa marki ugu horreysay ee Wasaarada Maaliyadda ay Maamusho Mashruuc loogu talagalay deegaanada Doowlad goboleedyada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...