GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO FURAY MADDAL LAGU HORUMARINAYO AF SOOMAALIGA

Date:

Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa waa mid meel sare ka jooga Madaxda Qaranka kuwaas oo si weyn u dhiiro geliya Barnaamijyada looga hadlayo qaabka Horumarinta Afka Soomaaliga.

Barnaamijkan ayaana ka mida kuwa looga hadlayo sidii jiilka soo koraya dhaxal wanaagsan u heli lahaayeen.

Waxaa soo qaban qaabiyey Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga iyada oo kaashaneysa Warbaahinta Qaranka.

Waxaa kasoo qeyb galay Daahfurka Gudoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Warfaafinta, Qubaro dhanka Af-Soomaaliga ah oo kala duwan, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Madaxda Tiyaatarka Qaranka iyo Dhalinyaro ka shaqeeya Hormarinta Luuqada Hooyo.

Xarunta Akadeemiye Goboleedka Af-Hooyo ayaa ku howlan in uusan marnaba hoos u dhac ku iman Af-Soomaaliga Dr Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunta.

“Madaxda Qaranka ayaa howl badan ka qabtay in lasameeyo Xarunta Afka Hooyo taasna waxaa ay noo suurto galisay in wax badan noo qabsoomaan waana waxa Soomaaliya Meel Wanaagsan ku gaari karto Runtii”ayuu yiri Dr Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunt

Jaamacadda Ummadda ayaa kamida Xarumaha qeyb fiican ka qaadanaya Horumarinta Af-Soomaaliga Prof: Maxamed Axmed Jimcaale waa Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

“SYL markii ay jirtay rag ayaa kashaqeynayey Afka Soomaaliga waana xili hore intii Dowladii kacaankana waxaa ay qoreen Afka Hooyo waxaana laga dhaxlay waxa aad hada aragtaan runtii taas muhiimad gaar ah ayey eedahay taas”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dad weynaha ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Ingeer Yariiso) ayaa sheegay in arrintan Muhiimad gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfiinta iyo Guud ahaan Dalka.

“Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Golaha Murtida iyo Madadaalada dhawaan ayaa lagu sameyn doonaa Dayactir waxaana ay qeyb muhiim ah ka qaadan doontaa arrimaha Hormarinta Af-Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Gudoomiyah Aqalk Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Daah furay Madasha waxaana uu sheegay inay haboon tahay in markasta laga Shaqeeyo waxyaabaha fiican.

“Waxaan daah furay Madasha Akadeemiyada Afka Soomaaliga waxaana haboon markasta in aan ka shaqeyno waxyaabaha fiican meelna aan iska dhigno waxyaabaha xun xun”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Aqare sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Waxyaabaha la doonayo ayaa ah in la sameeyo kulamo Bille ah ah kuwaas oo dhamaan lagu qabanayo Gobolada Soomaaliya waa mid ka mid ah Qorshayaasha Akadeemiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...