GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO FURAY MADDAL LAGU HORUMARINAYO AF SOOMAALIGA

Date:

Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa waa mid meel sare ka jooga Madaxda Qaranka kuwaas oo si weyn u dhiiro geliya Barnaamijyada looga hadlayo qaabka Horumarinta Afka Soomaaliga.

Barnaamijkan ayaana ka mida kuwa looga hadlayo sidii jiilka soo koraya dhaxal wanaagsan u heli lahaayeen.

Waxaa soo qaban qaabiyey Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga iyada oo kaashaneysa Warbaahinta Qaranka.

Waxaa kasoo qeyb galay Daahfurka Gudoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Warfaafinta, Qubaro dhanka Af-Soomaaliga ah oo kala duwan, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Madaxda Tiyaatarka Qaranka iyo Dhalinyaro ka shaqeeya Hormarinta Luuqada Hooyo.

Xarunta Akadeemiye Goboleedka Af-Hooyo ayaa ku howlan in uusan marnaba hoos u dhac ku iman Af-Soomaaliga Dr Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunta.

“Madaxda Qaranka ayaa howl badan ka qabtay in lasameeyo Xarunta Afka Hooyo taasna waxaa ay noo suurto galisay in wax badan noo qabsoomaan waana waxa Soomaaliya Meel Wanaagsan ku gaari karto Runtii”ayuu yiri Dr Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunt

Jaamacadda Ummadda ayaa kamida Xarumaha qeyb fiican ka qaadanaya Horumarinta Af-Soomaaliga Prof: Maxamed Axmed Jimcaale waa Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

“SYL markii ay jirtay rag ayaa kashaqeynayey Afka Soomaaliga waana xili hore intii Dowladii kacaankana waxaa ay qoreen Afka Hooyo waxaana laga dhaxlay waxa aad hada aragtaan runtii taas muhiimad gaar ah ayey eedahay taas”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dad weynaha ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Ingeer Yariiso) ayaa sheegay in arrintan Muhiimad gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfiinta iyo Guud ahaan Dalka.

“Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Golaha Murtida iyo Madadaalada dhawaan ayaa lagu sameyn doonaa Dayactir waxaana ay qeyb muhiim ah ka qaadan doontaa arrimaha Hormarinta Af-Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Gudoomiyah Aqalk Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Daah furay Madasha waxaana uu sheegay inay haboon tahay in markasta laga Shaqeeyo waxyaabaha fiican.

“Waxaan daah furay Madasha Akadeemiyada Afka Soomaaliga waxaana haboon markasta in aan ka shaqeyno waxyaabaha fiican meelna aan iska dhigno waxyaabaha xun xun”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Aqare sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Waxyaabaha la doonayo ayaa ah in la sameeyo kulamo Bille ah ah kuwaas oo dhamaan lagu qabanayo Gobolada Soomaaliya waa mid ka mid ah Qorshayaasha Akadeemiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...