Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka Puntland ku ammaanay doorkooda hirgelinta Federaalleynta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed.

Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta  wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Barlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaanka Federaal iyo dib u ka bashadiisa dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...