Madaxweynaha Jubbalaan oo Kismaayo ku soo dhoweeyey Ciyaartooyda kooxda Jubbaland

Date:

Ciyaartoyda xulka kubada cagta Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose oo ay kulan noqdeen koobkii Kubada cagta ee Dowlad Gobaleedyada iyo Banaadir kaasoo ciyaarta Finalka ay kaga guuleysteen Xulka kubada cagta Puntland.

Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa damaashaad iyo farxad kusoo dhaweeyay ciyaartoyda Xulka kubada cagta Jubbaland.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay lasoo laabteen ciyaartoyda Jubbaland, waxaana magaalada oo dhan ka soconaya damaashaad xoogan oo ciyaartoyda lagu soo dhaweynayo.

Xidigaha xulka Jubbaland ayaa intii uu socday tartanka kubada cagta Dowlad Gobaleedyada waxay soo bandhigeen ciyaaro aad u wanaagsan oo loo riyaaqay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...