Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo ka furay shirka wadatashiga Canshuuraha Bariga ee dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.
Shirkan waxaa dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe ย ku matalaya wasiirrada Maaliyadda, sidoo kale waxaa shirka jooga khabiirro sare oo dhanka Maaliyadda iyo arrimo canshuuraha ku takhasuustay.
Mudada shirka uu socon doona waxaa lagu falan-qeynayaa sii loo hirgelin lahaa nidaamka qaadiska iyo mideynta canshuuraha Bariga Soomaaliya, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, iyadoo Miisaaniyadda sannadkaan ay wajahi doonto Canshuuraha Bariga.
