Ganacsato Soomaaliyeed oo Maamulka degmadda Balcad ku ย wareejiyey deeq lacageed ย oo lagu dhisayo isbitaalka degmadaasiโ€œSawirroโ€

Date:

Deeqdaan lacagta ah oo gaareysaย  seddex kun oo lacagta dollarka Mareykanka ah, ย ayaa waxaa iskasoo aruuriyay Ganacsato Soomaaliyeed oo kunool dalka Koofur Afrika, ย kuwaas oo kasoo jeeda Deegaanada ย Gobalka Shabeellaha dhexe.

Deeqdan lacagta ah ayaa lagu wareejiyay Guddoomiyaha Degmadda Balcad, ย waxaana uu kusii wareejiyay guddiga dhismaha Isbitaalka guud ee degmadda Balcad.

Shiikh C/qaadir Maxamed Muudey oo kamid ah Culimadda ku nool degmadda Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa loo wakiishay deeqdaan lacagta ah, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha loo qorsheeyey in lacagtaasi lagu qabto.

“Lacagta noola soo wakiishay waa lacag dhan seddex kun iyo boqol Dollar, waxaana inoo ย wakiishay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Balcad oo kunool South Africa, ย waxa ay ugu tabaruceen dhismaha Ispitaalka Degmada Balcad oo bilaawday, waxaan leeyahay ALLE ajir iyo xasanaad hakasiiyo meesha ay kasoo qaadeen Badal kheyr qabo allaah ha ugu badalo, ย waxaan hadda ku wareejiyay guddiga dhismaha Isbitaalka “ayuu yiri Shiikh C/qaadir Maxamed.

Guddoomiyaha degmadda Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Xasan Maxamed Xaaji oo kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle oo iyana goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed, ย waxaana ay ku baaqeen in laga wada qeyb qaato.

โ€œBaahida ugu weyn oo ay hadda qabto Bulshada Degmada Balcad waa Isbitaal laโ€™aan heysata, hooyada Uurka leh markii ay lasoo daristo xaalad adag oo dhalmada ah waxaa looqaada Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka, iyadoo jirto in wadada ay tahay mid bur-bursanโ€ ayuu yiri guddoomiye Qaasim.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...