Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo heshiis la gaaray Guddiga doorashooyinka Puntland

Date:

Xubno ka socday Guddiga doorashooyinka Puntiland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladda Muqdisho ayaa heshiis is afgarad iyo wada shaqeyn ah la gaaray Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana xubnahaasi maanta ay u ambabaxeen magaalada Garowe, iyadoo garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ay ku sii sagootiyeen xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)  Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cade kula hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in arrimaha labada dhinac ay isku afgarteen ay kamid tahay sare u qaadidda wada shaqeynta, iyagoo iska kaashanaya doorashooyinka dowladaha Hoose ee dhawaan ka dhacaysa Puntiland.

“Waxay gaareen hadda labada Guddi heshiisyo hordhac ah oo ay ugu horeyso heshiis is afgarasho ah iyo wada shaqeyn iyo in maadaama Guddigeenu yahay heer Federaal inuu aad wax ugala qabto Guddiga doorashooyinka Puntiland oo mardhow galaya doorashooyinkii dowladaha hoose inaan isla dardargalino ama aan u baadigoobi laheyn dhaqaalihii doorashada looga qeybgali lahaa” sidaas ayay hadalkeeda sii raacisay Guddoomiye Xaliimo Yarey

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntiland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa balan qaaday in dhankooda ay si dhow ula shaqeyn doonaan Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, isagoo Guddiga ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in la iska kaashado hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo la filayo inay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Heshiiska is afgaradka iyo wada shaqeynta ah ay gaareen Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka Puntiland ayaa bilow u ah dadaalada Guddiga doorashooyinka heer qaran ay ku doonayaan inay wada shaqeyn ula yeeshaan dowlad goboleedyada si looga miro dhaliyo hadafka Guddiga oo ah in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah marka ayd hamaato mudada dowladda hada shaqeyneysa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...