Ganacsato Soomaaliyeed oo Maamulka degmadda Balcad ku  wareejiyey deeq lacageed  oo lagu dhisayo isbitaalka degmadaasi“Sawirro”

Date:

Deeqdaan lacagta ah oo gaareysa  seddex kun oo lacagta dollarka Mareykanka ah,  ayaa waxaa iskasoo aruuriyay Ganacsato Soomaaliyeed oo kunool dalka Koofur Afrika,  kuwaas oo kasoo jeeda Deegaanada  Gobalka Shabeellaha dhexe.

Deeqdan lacagta ah ayaa lagu wareejiyay Guddoomiyaha Degmadda Balcad,  waxaana uu kusii wareejiyay guddiga dhismaha Isbitaalka guud ee degmadda Balcad.

Shiikh C/qaadir Maxamed Muudey oo kamid ah Culimadda ku nool degmadda Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa loo wakiishay deeqdaan lacagta ah, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha loo qorsheeyey in lacagtaasi lagu qabto.

“Lacagta noola soo wakiishay waa lacag dhan seddex kun iyo boqol Dollar, waxaana inoo  wakiishay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Balcad oo kunool South Africa,  waxa ay ugu tabaruceen dhismaha Ispitaalka Degmada Balcad oo bilaawday, waxaan leeyahay ALLE ajir iyo xasanaad hakasiiyo meesha ay kasoo qaadeen Badal kheyr qabo allaah ha ugu badalo,  waxaan hadda ku wareejiyay guddiga dhismaha Isbitaalka “ayuu yiri Shiikh C/qaadir Maxamed.

Guddoomiyaha degmadda Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Xasan Maxamed Xaaji oo kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle oo iyana goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed,  waxaana ay ku baaqeen in laga wada qeyb qaato.

“Baahida ugu weyn oo ay hadda qabto Bulshada Degmada Balcad waa Isbitaal la’aan heysata, hooyada Uurka leh markii ay lasoo daristo xaalad adag oo dhalmada ah waxaa looqaada Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka, iyadoo jirto in wadada ay tahay mid bur-bursan” ayuu yiri guddoomiye Qaasim.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...