daxweynaha Ruushka”Go’aanta Trump ee Qudus wuxuu burburinaya wadahadalada Bariga Dhexe”

Date:

War ka soo baxay aqalka Cremilinka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay siweyn uga soo horjeeda in magaalada Qudus loo aqoonsado in ay tahay Caasimadda Israel.

Madaxwaynaha Wadanka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay uu yahay mid meesha ka saaraya wadahadaladii nabadda ee Bariga dhexe.

Mr Putinka Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga,halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa Bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo xoogaysanayay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015,muddo sanad gudihiisa ayaa waxaa dhexmaray 8 kulan labada madaxweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...