Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Magaale Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay Mashaariic kala duwan oo ka socota Degmada.
C/laahi Axmed Cali Faad ayaa tilmaamay in garoonka Magaalada uu yahay mid shaqeynaaya hada ayna kasoo dagi karaan Diyaaradaha xamuulka ah maadaamada ay ku guulaysteen dhismaha Garoonka.
Waxaa uu sheegay mudane Faad in Magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo ay ka socdaan hirgalinta Xarumo bulshada loogu adeego sida Garoonka Magaalada oo lagu guulaystay Dhismihiisa,Isbitaalka weyn iyo Wadada Isku xirta Magaalooyinka Hobyo iyo Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka G/Hobyo: