Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka doodaya ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018,taasi oo dhawaan Wasaaradda Maaliyadda ay horgeysay Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha SHacabka ayaa la filayaa in dooda kadib ay ansixiyaan miisaaniyadda Dowladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha Dowladda.

Miisaniyadda Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo Dollar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha SHacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa fasax galaya marka la gaaro 16 Bishan December,sida uu horey u sheegay guddoonka Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...