Antonio Guterress”Go’aanka Trump wuxuu hurinayaa colaada Bariga Dhexe

Date:

Antonio Guterres’Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegay in go’aanka maamulka madaxwayne Trump ay Qudus ugu aqoonsadeen caasimadda Israa’iil ay tahay mid aan nabada gobolka u waanagsanayn,isagoo ka digay in arintaasi ay ka dhalan karto awaaqib xumo.

Wuxuu sheegay Mr Guterres in arintani ay wiiqeyso hanaankii geedi socodka Nabadda ee Bariga Dhexe,ee Falastiin iyo Israel,waxaana hadalkani uu jeediayaay mar uu u waramayaya Televeshinka CNN ee laga leeyahay Dalka Mareykanka.

Hadalkan ka soo baxay Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterress ayaa imaanaya iyadoo dhamaan hoggaamiyaasha Muslimiinta ee Caalamka iyo kuwa kale oo ee Reer Galbeedku ay siweyn uga horyimaadeen go’aanka Trmp.

Dowladaha qaarkood ayaa diyaariyay ciidamo ay ugu magac dareen xoreynta Magaalada barakaysan ee Qudus,Dwoladda Malaysia aya la sheegay in ay diyaarisay ciidamo gaar ah oo loogu magac daray Difaaca Qudus,taasi oo ku dareensiinaysa in carada qy muujiyaan shucuubta Islaamka ee Dunida ay  sii kordhayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...