Qaramada Midoobay oo ku baaqday in si deg deg ah loo badbaadiyo 137-Carruur Suuriyaan ah

Date:

Muqdisho(SONNA);– Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo soo daad gureeyo daraasiin carruur ku xanuunsaneysa deegaanada Mucaaradka ay gacanta ku hayaan ee duleedka caasimadda Dimishiq,iyado wali halkaasi rabashado ay ka jiraan.

Shan carruur ah oo ku noolaa bariga Ghouta ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen,halka 137-kalena ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah,sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay Hay’adda UNICEF.

Carruur da’dooda u dhaxeyso 7 bilood illaa 17 sano,ayaa la soo sheegayaa ineysan u helin karin gargaar caafimaad xaaladaha ay ku sugan yihiin oo kelyaha aan shaqeyneyn iyo macluul aad u daran oo ay ka dhaxleyn colaadaha sii socda.

” Xaalada wey ka sii dareysaa maalinba maalinta ka danbeysa”,ayuu yiri Fran Equiza oo ah Wakiilka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Suuriya.

Mr Fran Equiza oo sii hadlayay ayaa intaasi raaciyay” In nidaamka caafimaad uu ciriiri yahay iyo Dugsiyadii waxbarashada oo ku dhawaad bil xiran” Carruurta xanuunsan ayaa si aad ah ugu baahan gurmad caafimaad,” halka kumanaan kale oo dheeraad ah loo diidan yahay fursadaha si caadi ah carruurnimadooda ugu noolaan lahaayeen,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF u qaabilsan Suuriya.

Bariga Ghouta oo 15-km u jira caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa ciidamada Dowladda waxay ku hareereysan yihiin mudo ku siman afar sano,iyagoo doonaya iney bilaha soo socda si buuxda ula wareegaan.

Dad lagu qiyaasay 400,000-ruux oo ku nool deegaanka ayaa la sheegaa in horay looga jaray gargaarkii bini-aadanimo ay u baahnaayeen tan iyo sanadkii 2013-kii,sida laga soo xigtay Hay’adda UNICEF.

Ku dhawaad 12% carruurta ku nool Bariga Ghouta ayaa ka cabanaya xaalad nafaqo daro ba’an,waana tiradii ugu badneyd oo la diiwaan geliyo tan iyo markii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Suuriya 2011-kii.

Warbixino horay uga soo baxday UNICEF,ayaa lagu sheegay iney kordheen qiimaha la siisto cunada asaasiga u ah dadka rayidka ah iyo Cunada diyaarsan deegaanka Bariga Ghouta oo duleedka ka ah caasimada Dimishiq,taasi oo sii adkeysay xaalada nolosha dadka deegaanka.

 Ugu danbeyntii,Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loogu fasaxo carruurta iney helaan gargaar caafimaad oo deg deg ah si loo yareeyo dhibaatooyinka xaaladaha caafimaad daro ee la soo deristay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...