Ciidamo Shacabka ka difaaca dhibaatada Nabad diidka oo la dejiyay inta u dhaxeyso Ceelasha Biyaha iyo Afgooye

Date:

Muqdisho(SONNA);– Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka Ciidamadaan loo dejiyay halkaasi ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka Kooxda Nabad diidka ay ka geystaan inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Waxayna si gaar ah Ciidanka Xoogga dalka isha ugu heynayaan miinada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab dhulka ku aasayaan taasi oo dhibaato ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku safraya wadada dheer ee xiriirisa Afgooye iyo magaalada Muqdisho iyo iney ka difaacaan weerarada gaadmada ah ee mararka qaar Al-Shabaab soo qaadaan.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo Cudutyo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka kula hadlayay goobta la dejiyay ayaa kula dardaarmay ineysan baari karin gaari dad shacab ah ay saaran yihiin lana hadlin karin shacabka,balse ay xil iska saaraan sidii dhibaatooyinka kooxaha nabad diidka halkaasi ka geystaan looga maareyn lahaa.

Wuxuu sheegay Generaal Caanood in marar badan dhegahooda ay ku soo dhaceen weeraro iyo falal kale oo lid ku ah amaanka iney Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxeysa Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha garteenna iney arintaasi mar kale soo noqon.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dad shacab siyaabooyin kala duwan ugu waxyeeleeyay halkaasi haba ugu badnaadaan waxyeelada shacabka ka soo gaarto miinooyinka sida hagarta ah ugu aasaan wadooyinka inta badan Shacabka ay adeegsadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...