Munaasabad lagu Xusayo Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda aadanaha oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA);– Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha  ayaa ah mid  bulshada looga wacyi gelinaayo  ilaaalinta  iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha  iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah, waxaana munaasabadda goob joog ka ah Wasiirka Wasaradda Haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Deeqo Yaasin Xaaji Yuusuf,Xilidhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare  Agaasimaha Guud ee Wasaradda Hawenka iyo  Ururada Bulshada Rayidka

Sanadki 1948-kii ayey aheyd markii shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay  la isugu raacay in 10-ka December  ay tahay maalinta caalamiga ee dhowrista xuquuqda Aadanaha,iyadoo sanad walba aduunka si weyn looga xuso.

Agaasimaha Guud  ee Wasaradda Hawenka iyo Horamarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha,isagoo carabka ku adkeeyay in maalintaan ay muhiimad ah gaar ah u leedahay shacabka gaar ahaan dhowrista xuquuqdooda.

Sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadahii hore ee munaasabadda xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanha,iyadoo Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in sanad walba la xuso haldoorka kaalinta weyn ka qaata horumarinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha,waxaana munaasabada inta ay socotay loogu duceeyay Alle ha u naxariistee Ambassador Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari bari oo kaalin mug leh ka qaatay dhowrista Xuquuqda Aadanaha.

Xildhibaanad Canad Axmed Cilmi oo ka tirsan Guddiga Xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka ayaa sheegtay inuu meel wanaagsan marayo sharciga Xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay u helaan xuquuqdooda.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqo Yaasiin Yuusuf oo ka hadlay gabagabada Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay iney wadaan dhameystirka Guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...