In ka badan 70 Qof oo u tartmaya inay xubin ka noqdaan Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya ayaa Maanta u fariistay Imtixaan”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Sameynta Gudiga Xuquuqul Isnaanka ee Madaxa Banaan waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, balse hadda waxaa uu marayaa inay Imtaxaanka u fariisteen in ka badan 70 kuwaas oo u tartamaya inay qeyb ka noqdaan Gudiga Xuquuqul Isnaanka oo ka koobaan doona 9 Xubnood oo kaliya.

Waxaa Goobta Imtixaanka lagu qaadayey joogay Korjeegto heer caalami ah, Xildhibaano ka tirsan Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Isnaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf  ayaa waxaa ay sheegtay in Gudigu ka koobnaan doono 9 Xubnood  oo hal Qof uu matalayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo 3 Dumar.

“Runtii arrintaan waxaa lasoo waday mudo dheer waxaana lala soo maray Marxalado kala duwan, waxaana u jeedadu aheyd in lahelo Guddi Xuquuqul Insanka ah oo Madax banana kaas oo sidoo kale dhamaan Soomaaliya ka shaqeeya hadda arrintu waxaa ay mareysaa meel fiican”.

Xildhibaan Maryan Maxamed Gurxan oo Ka tirsan Gudiga Xuquuqul Isnaanka ee Golaha Shacabka ayaa tilmaantay in Shaqo fiican lasoo qabtay haddana qaabka dadka lagu soo xulanayo ay aad u wanaagsan tahay taasna mudo badan laga shaqeynayey.

Marka lasoo dhameystiro Gudiga Madax Banaan ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka waxaa ay Dooran doonaan Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa oo dhexdooda ah, sidoo kalena waxaa la-horgeyn doonaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya si-ay u meelmariyaan, ugu danbeyntiina waxaa ay horgayaan Golaha Shacab si’iyana Codka Kalsoonida u siiyaan.

 W/Q Cali Axmed Sheekh

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee AFRICA CDC

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb-galay kulanka Wasiirrada Warfaafinta Carabta ee Kuwait

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr....

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...