In ka badan 70 Qof oo u tartmaya inay xubin ka noqdaan Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya ayaa Maanta u fariistay Imtixaan”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Sameynta Gudiga Xuquuqul Isnaanka ee Madaxa Banaan waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, balse hadda waxaa uu marayaa inay Imtaxaanka u fariisteen in ka badan 70 kuwaas oo u tartamaya inay qeyb ka noqdaan Gudiga Xuquuqul Isnaanka oo ka koobaan doona 9 Xubnood oo kaliya.

Waxaa Goobta Imtixaanka lagu qaadayey joogay Korjeegto heer caalami ah, Xildhibaano ka tirsan Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Isnaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf  ayaa waxaa ay sheegtay in Gudigu ka koobnaan doono 9 Xubnood  oo hal Qof uu matalayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo 3 Dumar.

“Runtii arrintaan waxaa lasoo waday mudo dheer waxaana lala soo maray Marxalado kala duwan, waxaana u jeedadu aheyd in lahelo Guddi Xuquuqul Insanka ah oo Madax banana kaas oo sidoo kale dhamaan Soomaaliya ka shaqeeya hadda arrintu waxaa ay mareysaa meel fiican”.

Xildhibaan Maryan Maxamed Gurxan oo Ka tirsan Gudiga Xuquuqul Isnaanka ee Golaha Shacabka ayaa tilmaantay in Shaqo fiican lasoo qabtay haddana qaabka dadka lagu soo xulanayo ay aad u wanaagsan tahay taasna mudo badan laga shaqeynayey.

Marka lasoo dhameystiro Gudiga Madax Banaan ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka waxaa ay Dooran doonaan Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa oo dhexdooda ah, sidoo kalena waxaa la-horgeyn doonaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya si-ay u meelmariyaan, ugu danbeyntiina waxaa ay horgayaan Golaha Shacab si’iyana Codka Kalsoonida u siiyaan.

 W/Q Cali Axmed Sheekh

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...