Dowladda Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay deeq dawo ah oo gaareysa 5-tan”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Diyaarad nuuca Mileteriga ah oo ka timid dalka Masar, islamarkaana siday deeq daawo ah oo gaareysa 5-tan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qunsulka Safaaradda Masar kala wareegay deeqdani waxaana goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo madax kale.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa uga mahad celiyay Dowlada Masar deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo la wareegay deeqadni daawada ah oo gaareysa 5-tan ayaa goobta ka sheegay  in daawadani la geyn doono goobaha loogu tala galay.

Dowladda Masar ayaa ka mid ah Dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana door muuqda ka qaadata hormarinta arrimaha aas aasiga u ah bulshada, sida waxbarashada caafimadka iyo qaar kale oo badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...