Ra’iisul Wasaare Khayre “Xukuumadaydu wax Dulqaad ah uma yeelan doonto Musuqmaasuqa”

Date:

Muqdisho, December 9, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah uma yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta.

“Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa,  Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...