Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Faransiiska”Sawirro

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka faransiiska ayaa la kulmay agaasimaha socdaalka dalka Faransiiska, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen kusimaha safiirka ahna qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ku leedahey dalka Faransiiska iyo madax kale.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi iyo dhigiisa Faransiiska ayaa ka wada  hadley iskaashiga dhinaca arrimaha socdaalka, isdhaafsiga khibradaha iyo Baasaboorka Soomaaliya, isaga oo agaasimuhu ku wareejiyey saraakiisha Faransiiska tusaalaha baasaboorka Soomaaliya (Specimen).

Labada dhinac ayaa isla gartey in ay yeeshaan kulamo joogto ah iyo kuwo sanadle ah, islamarkaana la iska kaashado arrimaha la xariira socdaalada iyo jinsiyadda labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...