Madaxweyne Erdogan oo shir deg deg ah isugu yeeray Hogaamiyaasha Dunida Muslimka

Date:

Muqdisho(SONNA);– Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday caasimadaa Israel,wuxuuna Erdogan sheegay in Go’aankaan uu gobolka Gelinayo dagaal ahli ah.

” Qaadashada talaabadan oo kale waxay gaar u tahay Gobolkaan oo dagaal lala damacsan yahay,Maxaad Jeclaan lahayd inaad sameyso talaabadan oo kale Mr Trump? Talaabo noocee ah ayaa qaadeysaa?”,madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sidaasi ka sheegay Garoonka diyaaradaha Esenboga ee caasimada Ankara waxyar ka hor intuusan u duulin Dalka Gariiga.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ah ayaa si isku mid ah uga carooday go’aanka uu Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda rasmiga ee Israel.

” Waxaa la gaaray xilligii si rasmi ah Jeruslem ugu aqoonsan lahaa caasimadda Israel”, ayuu ku yiri Mr Trump hadal uu ka sheegay magaalada Washinton ee caasimadda Mareynkanaka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Hogaamiyaasha Siyaasadda ugu baaqay in si wada jir ah uga shaqeeyaan Nabada,wuxuuna uga digay iney Arintaan bariga dhexe ku lug yeeshaan.

Dhan kale,madaxweynaha dalka Turkiga ayaa isugu yeeray Hogaamiyaasha Dowladaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ah si ay uga arinsadaan go’aanka madaxweynaha Mareynkanka uu gaaray,waxaana shirka uu ka dhacayaa magaalada Istanbuul ee dalkaasi Turkiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen,oo shir jiraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in shir madaxeedka looga hadli doono Qorshaha uu Mareynkanka ka damacsan yahay in Qudus uu u aqoonsado Caasimadda rasmiga ah ee Israel.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...