Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo wata gaari oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda

Date:

Bay(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nuuca Cabdibilaha ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay,kuwaasi oo ka soo cararay howlagalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow

Maleeshiyaadkani oo katirsanaa arggagixisada Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan Degmada DiinSoor ee Gobolka Bay.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow ayaa sheegay in maleeshiyadaasi is soo dhiibtay ay wateen gaari nuuca Cabdibilaha loo yaqaano iyo hubkooda.

“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiye Ibraahim.

Maleeshiyaadkani ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo khayaas ahaantii 154 KM dhanka Koonfureed kaga began degmada Diinsoor ee Gobolka Bay,halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan arggagixisada Shabaab.

Is soo dhiibitaanka iyo kala cararka maleeshiyada SHabaab ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayaan howlgalada dalka looga sifeynayo Alshabaab,kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaaashanaya AMisom iyo saaxiibada caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...