Madaxweynaha JFS oo shir guddoomiyay shirka hannaanka dib u eegista dastuurka+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):—Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaana ย ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad Lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...