Muqdisho(SONNA):–Madaxweyne Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.
Donald Trump Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv, islamarkaana loo rari doono Magaalada Quddus.
Falastiiniyiinta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan Ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.
Madaxweynaha Mareykanka go’aankan uu qaatay ayaa waxaa cambaareeyay Inta Badan Madaxda Caalamka gaar ahaan Madaxda Wadamada Islaamka ,iyagoo Ku tilmaamay go’aankaas mid ka hor imaanayo heshiisyada Caalamiga ah.