Faallo :-Madaxda Soomaaliya oo cagta saaray wadadii horumarka.

Date:

:Inta badan shirarka wadatashiga ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waa kuwo u dhacayย  si habsami leh oo ka tarjumayaย  aayaha umadda, gaar ahaan marka loo eego kulankii ugu dambeeyay oo ay ka soo bexeen qodobbo xasaasi oo keeni kara musaqbal u ifaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Kulankii ย wada tashiga ee magaalada Muqdisho ka socdayย  labadii cisho ee u dambeysay ,waxaaa la isla gartay in dardar hor leh loo galo xoojinta amniga,gaar ahaan sidiiย  meesha loogaย  saari lahaaย  kooxaha nabad diidka ah,iyadoo sidoo kale lagu goโ€™aamiyay in la kobciyo dhaqaalaha dalka oo xilligaan lagama maarmaan u ah in ay gacan ka geystaan bulsho weynta caalamka.

Kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah oo ka duwan shirarkii hore,waxaa lagu sii ambaqaaday dedejinta dhismaha ciidamada isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Gunaanadka wajiga 2-aad ee shirkii London ย ee looga hadlaaayey arrimaha Soomaliya, islamarkaana ay ka qeybgaleen ย madaxda ย Dowladda Fedraalka ah, ย kuwa Maamul goboleedyada dalka ย iyo Beesha caalamka ayaa u muuqda mid miro dhal ah Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .

Madaxda dowladda dhexe,kujwadowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ee ka hadlay furitaankii iyo gabagabadii ,waxa ay wada qireen sida ay uga goโ€™an tahay soo celinta karaamadii iyo sumcadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliya.

Waa tallaabo muhiim ah oo ย mudan soo dhoweyn dadaalka ku aadan arimaha Soomaaliya ee ay wadaan dhinacyada siyaasadda dalka iyo beesha caalamka,waxaana suurtogal noqotay in madaxa Soomaalida lagu aamini karo dhaqaalahaka soo xerooda dibadda oo loo soo marin jiray heyโ€™adaha.

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida ayaa muujinaya in dadka Soomaaliyeed ay xilligaan ka gudbayaan ย caqabadaha turaanturada ku ah geedi socodka arimaha dadka iyo dalka.

Wadatashiya xilligaan ee ka dhacay ย gudaha dalka soomaaliya,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo hammiga iyo niyadda dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Waaya aragnimada ay umadi u leedahay marxaladihiin kala duwanaa ee la soo maray ayaa waqtigaan ku dhiirigelinaya in loo hogaansamo,isla markaana gacan la siiyo dowladda ย curdunka ah ee la doonayo in loo adkeeyo cagihii ay isku taagi laheyd.

Waxaa dhab ah in caalamka iyo hey’ado samofalku ay diyaar u yihiin soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maarmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka,waxayna afka ku ballaariyaan sida ay uga goโ€™an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Bulsho mideysan ooย  diyaar u ah horumarkeeda ,isla markaana ku dhaqaaqda taageeridda dowlad sal adag oo u adeegta dadka iyo dalka,waxaa la gaari karaa marka la helo ,wax wada qabsi iyo kalsooni wadajir ah oo ka timaada dowlad goboleedyada iyo xukuumadda dhexe.

Dadka Soomaaliyeed waxay u arkaan in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ay ku dhaqaaqeenย  horumar badan oo taabanaya dhinacyada soo celintaa ammaanka,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha,garsoorka iyo adeegyada kale ee bulshada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in shacbiga ay gacan ka geystaan dadalka ugu jiraan soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta

 

W/Diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...