Dowladda Soomaaliya oo qaaday talaabo muhiim ah

Date:

Muqdisho(SONNA) Markii ugu horeysay ayaa dowladda Federaalka  Soomaaliya waxaa ay bilowday qorshe muhiim u ah shacbka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwoodi oo kusugan Miyiga fog.

Maanta oo arboco ah ayaa Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga,taasi oo ah arrin muhiimadeeda leh.

Waxaa ka qeybgalay Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo lagu qabtay magaalada Muqdisho Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda Hay’adda IOM oo qeyb ka ah hirgelinta mashruucani.

Muuddo kusiman 3 sano ayuu socondoonaan,kaasi oo ku baxaysa lacag dhan11 Milyan oo dollar.

Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel  biyood iyo sidoo kale nadiifinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada.

Mudane Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Tamarta iyo biyaha Xukuumadda Soomaaliya oo daah furay mashruucani ayaa sheegay in mashruucani uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqaalaha ku baxaya mashaariicdani ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan.

Mashruuca biyo siinta reer Miyiga ayaa waxaa uu jirey xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya,balse uu meesha ka maqnaa tan iyo burburkii taasi oo keentay in gobolada dalku ay ka jiraan dhibaatooyin biyo la’aaneed maadaama dadku aysan haysanin keyd iyo ceelal nadiif ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...