Wasaaradda Amniga XFS oo Faahfaahin ka bixisay Amniga Dalka

Date:

Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda Amniga Dalka.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso Howgala laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.

Hadalkaan Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho uu ka soconayo Shirka looga hadlayo Amniga Dalka oo uu furay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayna ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Wasiirka:

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...