Muwaadiniinta wadamo ay Soomaaliya kujirto oo ka walaacsan Go’aanka Maxakamadda ugu sareysa ee Mareykanka

Date:

Mareykanka(SONNA) Muddo dheer oo jahwareer iyo niyad jab hayay qoysas muwaadiniinta wadamo 6 ah oo Soomaaliya ay kujirto,ayaa waxaa sii kordhaya walaaca ay muujinayaan dadkaasi kadib markii Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah. Go’aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.

Waxaa uu xoojin karaa Go’aankani siyaasaddii madaxweynaha Mareykanka Jey Trump ee ka dhanka ahayd Muwaadiniinta Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Muwaadiniinta Wadamo laga mamnuucay Mareykanka in ay u safrikaraan oo Soomaaliya ay kujirto ayaa waxaa ay ka walaacsan yihiin talaabadaasi,iyadoo caqabad ku noqonaysa qoysas sugayay in ay la midoo baan eheladooda oo in muddo ah sugayay.

Xukunkan wuxuu ku fulayaa go’aanka markii saddexaad isbadalka lagu sameeyay ee uu madaxweynuhu bixiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay,waxaana toddobo ka mid ah sagaalka xaakim ee dacwadda dhagaysanayay ay qaaday Isniintii laalitaankii ay ku sameeyeen maxkamadaha hoose.

Go’aanka madaxweyne Trump horey uu u qaatay in uu laalnaado,waxaa taageersanaa oo kaliya Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor,balse sida muuqata ay soo afjarantay arintaasi.

Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda toddobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go’aan ka gaaraan arrimaha qaarkood,Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...