Muwaadiniinta wadamo ay Soomaaliya kujirto oo ka walaacsan Go’aanka Maxakamadda ugu sareysa ee Mareykanka

Date:

Mareykanka(SONNA) Muddo dheer oo jahwareer iyo niyad jab hayay qoysas muwaadiniinta wadamo 6 ah oo Soomaaliya ay kujirto,ayaa waxaa sii kordhaya walaaca ay muujinayaan dadkaasi kadib markii Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah. Go’aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.

Waxaa uu xoojin karaa Go’aankani siyaasaddii madaxweynaha Mareykanka Jey Trump ee ka dhanka ahayd Muwaadiniinta Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Muwaadiniinta Wadamo laga mamnuucay Mareykanka in ay u safrikaraan oo Soomaaliya ay kujirto ayaa waxaa ay ka walaacsan yihiin talaabadaasi,iyadoo caqabad ku noqonaysa qoysas sugayay in ay la midoo baan eheladooda oo in muddo ah sugayay.

Xukunkan wuxuu ku fulayaa go’aanka markii saddexaad isbadalka lagu sameeyay ee uu madaxweynuhu bixiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay,waxaana toddobo ka mid ah sagaalka xaakim ee dacwadda dhagaysanayay ay qaaday Isniintii laalitaankii ay ku sameeyeen maxkamadaha hoose.

Go’aanka madaxweyne Trump horey uu u qaatay in uu laalnaado,waxaa taageersanaa oo kaliya Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor,balse sida muuqata ay soo afjarantay arintaasi.

Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda toddobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go’aan ka gaaraan arrimaha qaarkood,Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...