Wajigii labaad ee Shirkii London ee ka socday Muqdisho oo lasoo gabagabeeyey

Date:

Muqdisho (SONNA), Wajiga 2-aad ee shirkii London ย ee arrimaha Soomaliya, islamarkaana madaxda ย Dowladda Fedraalka ah, ย kuwa Maamul goboleedyada dalka ย iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa Maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo la filayo in laga soo saaroย  war murtiyeed ku saabsan qodobadii looga hadlay shirkaasi.

Wajigii labaad ee Shirkaasi, ayaa waxaa maanta laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane ย Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga.

Sidoo kale raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qeybaha dambe ee shirkaasi guddoomiyey, isagoo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo xoojinta ย wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Shirka, ย ayaa warbixino ku saabsan qabsoomida doorasho qof iyo cod siddii dalka ay uga dhici laheyd ย looga dhageystay Wasiiradda Dastuurka, Qorsheynta, arrimaha gudaha, Haweenka iyo Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee ย doorashooyinka Qaranka, waxaana gabagabada shirka jaanis la siiyey beesha caalamka oo iyagguna ka hadlay aragtidooda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in ย Wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 qodob, warbaahintana ay la wadaagi doonaan dhowaan.

 

Qodobadii shirkaasi laga soo saaray goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale