Madaxweyne Farmaajo โ€œWaxaa naga goโ€™an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinnoโ€

Date:

Muqdisho, Disembar 05, 2017;ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga goโ€™antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka.

โ€œSiddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix biloodle ah oo ku aaddan sidii aan u yagleeli lahayn hannaan isbadel oo ku dhisan daah-furnaan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ammaanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa. Si taas loo gaaro waxaan guda galnay diyaarinta sharciyadii nagu hagi lahaa arrinkaas oo ilaa haatan waxaan u gudbinnay Baarlamaanka sharciyo gaaraya 15 Sharci, halka Toban kalena ay qabyo yihiin.โ€

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada la horgeeyey Baarlamaanka ay asaas u yihiin tiirarka dowlanimada maadama ay ku saabsanyihiin dhinacyo muhiim u ah nolasha shacabka sida Sharciga Isgaarsiinta, Shaciga la-dagaalanka Musuq-maasuqa, Sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo Sharciga maamulka Lacagta Dowladda.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdu ay ku guuleystay dhaqaajinta qorshayaasha dib u eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka sannadka 2020ka oo ah qorsheyaal u baahan xasillooni siyaasadeed oo ka jirta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu ku boggaadiyey Beesha Caalamka iyo Qurba Joogta Soomaaliyeed kaalinta ay ka qaadanayaan qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri: โ€œWaxaan dareensannahay in saaxiibadeenna caalamka aan waydiisanayno in ay khatarta qaataan oo ay Soomaaliya maalgashadaan. Balse si taas lamid ah waxaa naga goโ€™an in aan si wada jir ah ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno.โ€

Shirweynaha Muqdisho oo soconayey muddo labo maalmood ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey hirgelinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, sidii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugala wareegi lahayd amniga dalka Ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee soomaaliya AMISOM, xoojinta hannaanka Federaalka, doorashooyinka sanadka 2020, kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa...