Xuutiyiinta Yeman oo sheegtay in ay dileen Cali Cabdalla Saalax

Date:

Yeman(SONNA) Cali Cabdalla Saalax Madaxweynihii hore ee Yemen ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in uu dhintay,iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan in nolol iyo geeri lagu la’yahay, kaddib markii Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ay duqeeyeen guriga uu magaalada Sanca ka degenaa.

Warbaahinta taageerta Iiraan ayaa  sheegtay in Cali Cabdalla Saalax uu ku dhintay weerarka bam ee lagu qaaday gurigiisa.

Hase ahaatee Xisbiga Cali Cabdalla Saalax ayaa beeniyay wararka sheegaya in Cali Cabdalla Saalax lagu dilay weerarka.

Ilo ku dhow dhow Cali Cabdalla Saalax ayaa u sheegay Al Jazeera in Madaxii Amniga ee ciidankiisa Hussein Al-Hamadi lagu dilay dagaalka, balse ma aanay bixin faah faahin dheeraad ah.

Sarkaal u hadlay Jabhada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegay inay la wareegeen meelaha muhiimka ah ee Koofurta Caasimadda Sanca, waxaa ku jira deegaanka lagu magacaabo AlMesbahi oo illaa 200M u jira Guriga Cali Cabdalla Saalax

Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyada daacada u ah Madaxweynihii hore Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Jabhada Xuutiyiinta ayaa galay maalinkii 6aad, iyadoo labada dhinac ay guulo kala sheeganayaan.

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa duqeymo ka wada magaalada Sanca, waxaana ay soo dhoweeyeen dagaalka ka dhex qarxay Cali Cabdalla Saalax iyo jabhadda Xuutiyiinta.

Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Isbaheysiga Sacuudiga, waxaana arrintaas ka soo horjeestay Xuutiyiinta oo sheegay in markii hore ay uga shakisanaayeen inuu la safnaa Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...