Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigay waxqabadkooda”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayey Waxqabadka Xukuumadda iyo qorshaha Geeddi socodka hannaanka dawladnimada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, bulshada rayidka, oday dhaqameedyada, haweenka iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si toos ah halkaasi ugu soo bandhigay wax-yaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqeynayeen iyo qorshaha u dagsan dhowrka sano ee soo socda. Waxana wasiiradii goobta ka hadlay ay soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay.

Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay markii ugu horeysay in dalka gudihiisa lagu saxiixay heshiisyo horumarineed oo ay ku baxayso malaayiin dollar, lacagtaas oo bixinayaan dawlado Soomaaliya ka taageera dhinaca horumarka oo ugu danbeysay midkii qadar, dhowaana ay heshiis kale oo horumarka dalka wax looga qabanayo la saxiixan doonaan hay’adda USID heshiiskaas oo ku kacaya lacag dhan (300,000,000 USD) saddex boqol oo Milyan oo dollar.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu ay sameysay  siyaasad hufan oo dhinaca maareynta maaliyadda ah, isla markaana uu kordhay dakhliga dawladda iyo canshuuraha, taasoo sahashay in sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si joogto ah mushaarkooda u helaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayna jirinna wax dayn ah oo looga leeyahay gudaha dalka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa tilmaamay in dhawaan ay la soo wareegayaan hawada Soomaaliya, uuna gabagabo marayo qalabkii loo baahnaa si hawada ay ula soo wareegaan.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xusay in horumar laga gaaray dhinaca amniga, isla markaana la xaqiijiyey ammaanka caasimadda, lana qabtay xubno mihiim ah oo kamid ah shabaab,  Isla markaana uu heer fiican marayo qorshaha amniga iyo xasilloonda guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...