Guddiga shaqaalaha rayidka oo ka saacidaya Dowlad goboleedyada dalka hanaanka diiwaangalinta shaqaalaha”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay kormeer ku bixiyeen Xarumaha Maamul goboleedyada Dalka si ay wax oga ogaadaan hanaanka shaqaalaha u shaqeeya Maamulada.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo diiwaan galin lahaa shaqaalaha Maamul goboleedyada islamarkaana loo waafajin lahaa hanaanka uu ku shaqeeyo guddiga shaqaalaha rayidka.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa  maanta Xarunta  Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda waxaa soo gaaray Wakiilo ka socda Maamulada Dalka si ay wax oga bartaan hanaanka uu ku shaqeeyo Guddiga.

Mas’uuliyiintaan ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga shaqalaha rayidka Xasan Abshiroow, Kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee Guddiga, iyada oo lagu wareejiyay qeybaha ay ka kooban Xarunta uu ku shaqeeyo Guddiga.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyada oo Dowladda federaalka ay wado dadaalo lagu mideynayo sharuucda dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada si loo helo hanaan federaal oo ka mideysan dhan kasta.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...